Waxaa Caawa Salaadii Maqrib kadib lagu dhex dilay Gaarigiisa Cumar Cabdulle (Cumar Dheere) oo kamid ahaa Mareeyihii Shirkada Isgaarsiinta Somtel ee Gobolka Mudug.
Dableyda oo la sheegay inay ka koobneyd afar ruux ayaa dilka fulisay kadib markii uu Marxuumka kasoo baxay Masjidka Salaam ee Magaalada Gaalkacyo.
Maareeyaha ayaa la sheegay in koox dabley ah ay rasaas ku furaan markii hubsadeen inuu geeriyoodayna ay goobta ka baxsadeen. Ganacsare Cumar Dheere ayaa hore u soo noqday guddoomiyaha Ganacsatada Gobolka Mudug ee Puntland.
Maareeye Cumar Cabdulle ayaa la sheegay inuu ahaa shaqsi laga tixgeliyo Gobolka Mudug, iyadoo geeridiisa ay naxdin ku riday dadka Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug.
Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaanay weli jirin cid sheegtay mas’uuliyadiisa, ciidamada maamulka Puntland ayaa sheegay inay baaritaan ku jiraan.
Goobjooge.com