Monday, June 23, 2025

DEGDEG: Madaafiic hoobiyeyaal ay oo caawa ku dhacaya Degmooyin ka tirsan Muqdisho

Dhowr madfac oo hoobiyeyaal lagu sheegay ayaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho, iyagoo ku dhacay qaar ka mida degmooyinka Muqdisho.

Madaafiicdan oo aan la ogeyn meel laga soo tuuray ayaa qaarkood ku dhaceen isgoyska Dabka ee degmada Waaberi iyo qaar kale oo gaaray Degmada Xamarweyne.

Jugta madaafiicda ayaa laga maqlay qaar kamida degmooyinka Gobolka Banaadir, waxayna ku soo beegantay iyadoo ammaanka si weyn loo sugay oo maanta oo dhan ay xirneyd magaalada oo muddo laba maalmood ah bandow ku jirta.

Ad

Qaar ka mida madaafiicda ayaa la sheegay inay gaareen agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ay ku taallo goobta doorashadu ka dhaceyo. Lama soo werin wax qasaare ah.

Qaraxyo kale oo dheeraad ah ayaa laga maqlayaa magaalada Muqdisho iyadoo daafaha magaalada ay ka soo dhacayaan madaafiic iyo qaraxyo, xaaladuna ma kala cadda.

Lama oga qasaaraha ay dhaliyeen, waxaana hadda uun soo baxaya  faahfaahinta ku saabsan hoobiyeyaasha ku dhacaya qaar ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Saraakiisha amniga magaalada Muqdisho ayaa laga soo xigtay inay Qaraxyada dhacay ku sheegeen kuwo macmal ah oo aan wax dhibaato ah geysan karin.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON