Tuesday, August 26, 2025

DEGDEG: Madaafiic hoobiyeyaal oo lagu weeraray Madaxtooyada & Kulankii Golaha wasiirada oo socday

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaafiic hoobiyeyaal ah lagu weeraray xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Dhowr  hoobiye ayaa qaraxyadooda laga maqlay madaxtooyada, iyadoo wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan inay ku habsadeen agagaarka madaxtooyada.

Weerarka hoobiyeyaasha ayaa lagu soo beegay kulankii ugu horeeyay oo ay maanta lahaayeen Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya oo shalay baarlamaanku ansixiyay.

Afar qof oo rayid ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen hoobiyeyaasha ku soo dhacay agagaarka Madaxtooyada guryo u dhow oo kooxda Alshabaab loo maleynayo inay ka danbeeyeen…

Faahfaahin: Hoobiyeyaal lagu weeraray Madaxtooyada [Madfac ku dhacay meel u dhow Xafiiska Madaxweynaha]

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON