Sunday, July 13, 2025

DEGDEG: Madaafiic ku soo dhacay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaafiic dhowr ah ay ku soo dhaceen xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Madaafiicda oo ahaa Hoobiyeyaal ilaa shan madfac lagu qiyaasay ayaa ku habsaday xaafadda Danwadaagta iyo xaafadaha ku dhow Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo jugtooda laga maqlay degmooyinka Wadajir, Dharkeynley iyo degmooyinka la xiriira.

Weerarka madaafiicda oo loo maleynayo inay ka dambeyso kooxda Alshabaab ayaa u muuqda mid laga soo tuuray degaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho, waxaana lagu soo beegay iyadoo maanta loo dabaaldegayo maalinta xoriyadda ee 1-da Luulyo xilli ay munaasabad ka socota Garoonka Koonis ee degmada C/casiis.

LASOCO WIXII SOO KORDHA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON