War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in madaafiic hoobiyeyaal ah oo lagu weeraray garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay ku dhaceen garoonka.
Dhowr Madfac ayaa la sheegay inay ku dhaceen agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay weli.
Faahfaahin qaraxyadan ayaan weli kala caddeyn iyadoo wararka la helayo ay yihiin kuwo aad u yar.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in madaafiicda hoobiyeyaasha ah laga riday degmada Wadajir gaar ahaan agagaarka Dugsiga Jabuuti iyo Daaraha Somali Airlines, ayna la beegsadeen Xerada Xalane oo ku taala garoonka.
Goobjooge.com