Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Madaafiic lagu weeraray xaafado ka tirsan Degmada H/wadaag, magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhawaqa madaafiic laga maqlay caasimadda.

Madaafiicda ayaa u muuqda kuwo ku habsaday xaafadda Shanta Geed ka tirsan degmada Howlwadaag , iyadoo qaraxyo waaweyn oo xoog leh degmooyin dhowr ah.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dhowr madfac oo hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen guryo ku yaalla degmada Howlwadaag, ayna dhaliyeen qasaare.

Waxaa la soo weriyay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen madaafiicda oo ku dhacday xaafado dadku degan yihiin. Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inuu ka mid yahay arday uu madfac ku dhacay iskuulkii uu ku sugnaa.

LA SOCO FAAHFAAHNTA..

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON