Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Madaxii Ololaha Doorashada Madaxweyne Trump oo la Amray in la xiro

Madaxii Doorashada madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la amray in la xiro, sida uu soo qoraal ku soo saaray Garsoore heer Federaalka ah, dalka Mareykanka.

Paul Manafort ayaa lagala noqday damiin uu dibadda ku joogay, waxaana ku socda baaritaanka ku saabsan kaalintii uu Ruushku ku yeeshay ololihii doorashada Trump, iyadoo lagu eedeeyay inuu jebiyay damiinka uu heystay.

Garsoore ka tirsan Maxkamdada Washington DC ayaa buriyey damiinkii Mr Manafort , waxaana lagu eedeeyay inuu xiriiro la sameeyay dad kiiska loo heysto kula jiray, taasoo jebineysa shuruudihii damiinka uu heystay.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in durba xabsiga loo dhaadhiciyey maamulihii ololaha doorashada madaxweyne Trump oo baaritan ku socday eedaha loo heystana ay ka mid yihiin xiriiro mugdi ku jiray, been sheegid iyo lacago uu is daba mariyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON