Madaxweyanha cusub ee maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble maanta ayaa ku sii jeeda wajahan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Wafdiga Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa la sheegay inuu socdaalkiisa ku wehliyo gudoomiyaha Gobolka hiiraan Yuusuf axmed Hagar (Dabageed), Guddoomiyihii hore ee Hiiraan C/fataax Xasan Afrax iyo mas’uuliyiin kale.
Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in odayaasha iyo waxgaradka magaalada oo shir labadii maalmood ee ugu danbeeyay ay intooda badan isku raaceen inay soo dhoweeyaan, isla markaana taageeraan maamulka cusub ee Hirshabeelle.
Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah duubka qura ee ku haray diidmada maamulka lagu dhisay Jowhar ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha Hirshabeelle.
Goobjooge.com