Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Madaxweynaha oo khubad ka jeedinaya Baarlamaanka & codsi uu hordhigay

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhoweyd gaaray xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inuu dhowaan bilaabo khudbad uu u jeedinayo xildhibaanada Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa codsaday kulanka ayaa lagu wadaa inuu kala hadlo Baarlamaanka xaalada dalku marayo, isla markaana uu ka codsado xildhibaanada inay taageeraan qaabka doorashada 2016 ee dowladda federaalka dejisay oo ku saabsan in qaabka 4.5 lagu soo xulo baarlamaanka soo socda isla markaana aqalka sare lagu soo xulo qaab maamul goboleed.

Khudbada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda bilaabay iyadoo ay Baarlamaanka yimaadeen wasiiro xildhibaano ah oo aan hore u xaadiri jirin kulanka Baarlamaanka.

Wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku bilaabay dalab uu Baarlamaanka kaga codsaday inay dedejiyaan oo ay ansixiyaan sharciyo dhowr ah oo ka tilmaamay: Sharciga Garsoorka iyo kan Argagixiso la dirirka oo waxyaabo badan ku xiran yihiin una baahan inaan loo kal tegin.

Wuxuu faahfaahin ka bixiyay muhiimada ay leeyihiin sharciyada Garsoorka iyo sameynta adeegga Garsoorka, wuxuu kaloo ka hadlay dhismaha Maxkamadda Dastuurka iyo qaabka loo dhisi lahaa oo ku xiran sharciga Garsoorka iyo dhismaha guddiga Garsoorka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON