Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto ku soo saaray in heshiiska Qaabka Doorashada sidiisa u dhaqan galo, wuxuuna go’aankaasi gaaray kadib maalmood shirar adag u socdeen madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada dalka.
Xasan Sheekh ayaaoo shir jaraaid ku qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa go’aamiyey in hanaanka doorasho ee dib u eegista ay ku sameeyeen baarlamaanka Soomaaliya uu sidiisa u dhaqan galo, iyadoo waxba laga bedelin.
Madaxweynaha ayaa sheegay qorshaha doorashada oo maalmahaanba ay ka hadlayeen baarlamaanka waqti badan ay qaadatay oo baarlamaankuna uu ku kala qeybsamay go’aan ka gaaristeeda.
Waxa uu sheegay mudane Xasan Sheakh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya in ka madaxweyne ahaan uu go’aamiyey in hanaanka doorasho ee baarlamaanka uu dib u eegista ku sameeyey in sidiisa uu ku dhaqan galo laga bilaabo maanta.
Qodobadda waxaa ka mida:
Qodobka 1aad
- In la dhaqan geliyo Go’aanka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka ay si wadajir ah u wada qaateen hannaanka doorashada ee lagu qeexay warmurtiyeedkii ay soo saareen 12-kii Abriil 2016 iyo soo Bandhigidda Hannaanka Doorashada Sanadka 2016 ee 30/04/2016 ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Shacabka Federaalka.
- In Hannaankan loo adeegsanayo doorashada 2016 oo keliya, marka ay dhammaato muddada dastuuriga ah Hay’adaha Sharci Dejinta iyo Fulinta.
Qodobka 2aad
- In la ilaaliyo mabda’ Dastuuriga oo ah in Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay matalaad ku yeeshaan dhammaan degaannada Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.
- Suurta galinta habka ay ku imanayso matalaadda Muqdisho ee Aqalka Sare iyo xallinta wixi tabasho ah, go’aanna looga gaaro shirka soo socda ee Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka.
Arrintan ayaa lagu wadaa inay ka hor yimaadaan Baarlamaanka oo cod u qaadi lahaa heshiiska laga hor istaagay, waxaana laga cabsi qabaa in xaalad cusub oo khilaaf siyaasadeed ah la galo.
Goobjoge.com