Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo biyaha fatahaadda ay go’doomiyaan.
Wafdiga Madaxweyne Farmaako ayaa la geeyay xarunta AMISOM, iyadoo uu shir kula jiro madaxda dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo saraakiisha AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa kuurgalaya xaaladda Baladweyn oo ah ku barakaceen in ka badan 140 kun oo qof, waxaama dadkaasi ay ku sugan yihiin daafaha magaalada Beledweyne.