Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Madaxweyne Farmaajo oo degdeg ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa degdeg ugu soo laabtay magaalada Muqdisho goor dhoweydna ka dgay Muqdisho, kadib dilka wasiirkii howlaha guud Cabbaas C/llaahi Siraaji.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu soo gaabinayo socdaalkiisa si uu uga qeyb qaato tacsida Wasiirka, isagoo amray in cadaalada la horkeeno kuwii ka dambeeyay dilkiisa.

Aas Qaran ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho loogu sameeyo Marxuum Cabbaas Siraaje iyadoo ay ka qeyb geli doonaan madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Meydka Wasiirka ayaa salaadda janaasadda lagula dukanayaa Masjidka Isbaheysiga oo ay ku sugan yihiin dhammaan madaxda dowladda Federaalka, waxaana ku soo biiray madaxweyne Farmaajo oo mudo saacado ah la sugayay, iyadoo la filayo in lagu aaso Isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho.

Waxaa sii kordhaya baaqyada lagu dalbanayo in wax laga qabo ilaalada faraha badan ee madxada dowladda oo ammaan darro weyn ku haya caasimadda, waxaana la sugayaa tallaabada ay qaadi doonto dowladda kadib tacsida.

Gobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON