Saturday, June 28, 2025

DEGDEG: Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay Maqaam cusub oo loo sameeyay Magaalada Cadaado

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu magaalada Cadaado uga dhawaqay maqaam ay yeelaneyso magaaladaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in Cadaado ay noqoto xarunta baarlamaanka Galmudug uu ku shaqeyn doono, taasoo si weyn ay u soo dhoweeyeen odayaasha iyo waxgaradka Beesha Cadaado.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Magaalada Cadaado loo dhisayo Garoonka Diyaaradaha iyo Xabsi, halka la dhisayo Dekadda Magaalada Hobyo oo uu maanta tegayo.

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in odayaashii iyo waxgaradkii Beesha Cadaado ay arrintan ku qanacsan yihiin, iyadoo lagu xalinayo cabashadii ay kala hor yimaadeen heshiiskii Galmudug iyo Ahlu suna.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON