War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu magacaabay Ra’iisal wasaare.
Madaxweynaha ayaa Ra’iisul Wasaare u Magacaabay nin lagu magacaabo Xasan Cali Kheyre, kaasoo auu u soo xushay inuu noqdo Wasiirka Koowaad ee Xukumaddiisa.
Ninka loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ee Xasan Cali Kheyre ayaa hore u ahaa Ganacsade, wuxuuna u soo shaqeeyay hay’addaha Samafalka, isagoo aan lagu Aqoon siyaasadda.
Xasan Cali Khayre waa Nin dhalinyara ah oo ku noolaa dalka Norway.Wuxuu u soo shaqeeyey Hey’adda NRC ee laga leeyahay dalka Norway oo uu madax kasoo noqday.
Dhawaanahaan wuxuu ku noolaa dalka Ingiriiska, isaga oo madax ka ahaa Shirkadda Soma Oil and Gas.
Madaxweyne Farmaajo oo kashifay sababta uu Ra’iisal wasaare ugu magacaabay Xasan Cali Kheyre
AKHRISO: Waa kuma Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre..? [Warbixin Xasaasi ah]