Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay Xaalad Degdeg oo looga hortegayo Cudurka Coronavirus

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay xaalad degdeg oo caafimaad oo la geliyey dalka Mareykanka si loola tacaalo cudurka Coronavirus oo ku faafaya dunida, loona aqoonsaday musiibo saf-mar ah oo caalami ah.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ayuu uga dhawaaqay in dalka Mareykanka uu galay xaalad Qaran oo degdega iyadoo dowladda Federaalka ay taageereyso gobollada dalkaasi, iyadoo loo qoondeeyay lacag dhan 50 Bilyan oo Doolar oo la siinayo Gobollada Mareykanka si ay uga hortagaan Cudurka COVID-19 ee Coronavirus.

Madaxweyne Trump wuxuu intaas ku daray in awood balaaran la siiyay Hay’adaha iyo howlwadeennada caafimaadka dalkaasi, isagoo ku bogaadiyey dalka Shiinaha dagaalka uu la galay Cudurka Coronavirus oo dad badan lagu badbaadiyey sida uu yiri.

Ad

Maamulka Trump ayaa lagu eedeeyay inuu ka gaabiyey wax ka qabashada cudurka, laakiin wuxuu isku difaacay in tallaabada uu qaaday ay wax weyn ka qabatay in cudurkan aan si weyn ugu faafin dalka Mareykanka.

Mareykanka ilaa iminka waxaa cudurka Coronavirus qaba dad gaaraya 1701 qof, waxaana u dhintay 40 qof, iyadoo Gobollo badan ay soo rogeen amarro lagu joojiyay safarrada iyo dhacdooyinka waaweyn.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON