Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Madaxweyne Trump oo xilkii ka qaaday Xoghayihii Arrimaha dibadda Rex Tillerson

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii ka qaaday xoghayihii arrimaha dibadda dalkaasi Rex Tillerson iyadoo xilkaas uu u soo sharxay madaxda hay’adda CIA.

Qoraal uu dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu xilkii ka qaaday Rex Tillerson, isagoo xilkaasi u magacaabay madaxa CIA-da Mike Pompeo, waxaana arrintan muddo bil ku dhow hadal hayay saxaafadda Mareykanka.

Qaabka uu xil ka qaadista u sameeyay Trump ayaa ah mid aan hore loo arag oo ah inuu baraha bulshada ku shaaciyo, waxaana arrintan ay imaaneysaa iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka uu soo gaabiyey socdaal uu ku marayey Afrika markii la sheegay inuu xanuunsaday.

Waxaa kaloo la yaab leh inuu madaxweyne Trump u soo magacaabay madaxda CIA-da Mareykanka haweeney lagu magacaabo Gina Haspel.

Go’aanka xil ka qaadista Rex Tillerson ayaa u baahan inuu ansixiyo golaha odayaasha Mareykanka, taasoo laga yaabo inay waqti qaadato.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON