Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Madaxweynihii Ahlu sunna oo noqonaya Madaxa Xukuumadda Galmudug [Heshiis la saxiixay]

Xaflad ay heshiis awood qeybsi ah ku saxiixeen Galmudug iyo Ahlu suna ayaa goor dhoweyd lagu saxiixay magaalada xarunta  Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Xaflad ay goobjoog ka ahaayeen madaxweynaha Soomaaliya, madaxda maamul Goboleedyada iyo wakiilada beesha caalamka ayaa lagu saxiixay heshiis ka kooban in ka badna 10 qodob, waxaana ugu muhiimsan in madaxweynaha maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlu suna uu noqonayo madaxa xukuumadda cusub oo loo dhisi doono Galmudug.

Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasna ayaa guddoomin doona golaha Wasiirada, waana xil ku cusub maamulada dalka oo aan la ogeyn  sida ay isula shaqeyn doonaan isaga iyo madaxweyne Xaaf, waxaana la qaatay magaca, calanka iyo baarlamaanka Galmudug.

Ahlu suna ayaa soo magacaaban doonta taliyeyaasha ciidan iyo Guddoomiyaha Makxamadda Sare ee Galmudug, Waxaana heshiiska ugu danbeyn la geyn doonaa magaalada Dhuusamareeb.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON