Madaxii hore ee ololaha doorashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ninka lagu magacaabo Paul Manafort ayaa lagu helay 8 denbi oo ka mida ahaa 18 kiisas dacwadeed oo lagu soo eedeeyay dacwadii ku socotay in muddo ah.
Maxkamad ku taalla Gobolka Virgina ee dalka Mareykanka ayaa ku heshay Paul Manafort oo ahaa madixii ololaha doorashada Donald Trump shan kiis oo ah been abuur ka baxsasho canshuur, Xisaab Banki dibadeed oo uu qariyey iyo isdaba marin xisaabaad bankiyeed.
8 ka mida 18 kiis oo lagu soo eedeeyay ayaa lagu helay madixii hore ee ololaha doorashada Trump, iyadoo 10-ka kiis ee kale loo waayey caddeyn ku filan, waxaana laga cabsi qabaa inuu wajaho xabsi aad u dheer marka ay xukunto maxkamadda Gobolka Virgina, iyadoo dacwad kasta ay u dhiganto 30 sano oo xarig ah.
Waa xukunkii ugu horeeyay ee laga gaaro baaritaanka ku socda doorashadii Mareykanka ee 2016 oo Ruushku saameyn ku yeeshay si uu ugu guuleysto Donald Trump, waxayna arrintan soo baxday iyadoo isla maanta uu denbiyadii lagu soo oogay qirtay qareenkii shaqsiga ahaa ee Donald Trump Micheal Cohen.
Laba mas’uul oo ka mida raggii ugu waaweynaa ee madaxweynaha Mareykanka ayaa wajahaya dembiyo lagu helay iyo xukun maxkamadeed, taasoo culeys hor leh ku keeneysa madaxweynaha muranka badan ka taagan yahay ee Trump.