Monday, June 23, 2025

DEGDEG: Madixii Qorsheynta Aqalka Cad ee Mareykanka oo is casilay

War ay goor dhow baahiyeen warbaahinta Mareykanka ayaasheegaya inuu shaqada ka tegay madixii qorsheynta Madaxweyne Donald Trump ee Aqalka Cad ninka lagu magacaabo Steve Bannon.

Shaqo ka tegista Steve Bannon oo hadda uun soo baxday ayaa ka dambeysay cambaareyn loo jeediyay ninkan oo ka tirsan kooxda midigta xagjirka ah ee Caddaanka, wuxuuna hore madax uga ahaa website ay caddaanka wadaniyiinta ah leeyihiin.

Ninkan oo dejiyay qorshihii keenay inuu Donald Trump ku guuleysto madaxweynaha Mareykanka ayaa dhowaan si toos ah uga hor yimid hanjabaadii uu Trump u jeediyay Waqooyiga Kuuriya.

Madaxa cusub ee Aqalka cad  John Kelly ayaa la sheegay inuu dalbaday inuu shaqada ka tago Steve Bannon. War kooban oo ka soo baxay Aqalka cad ayaa lagu sheegay in Steve Bannon iyo John Kelly ay ku heshiiyeen inuu shaqada ka tago.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON