Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo shir jaraa’id goor dhoweyd qabtay ayaa ka digay in Golaha Ammaanka ay soo farageliyaan ciidamada Booliska oo hay’adda fulinta ay wadato.
Wuxuu eedeyn ba’an u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu sheegay inuu gabay howshii loo xil saaray, isagoo sheegay inuu qaadi doono mas’uuliyadda in ciidankii Qaranka loo adeegsado inay farageliyaan Baarlamaanka oo ah hay’adii sharci dejinta.
Mahad Cawad ayaa sheegay in xukuumadda ay ciidamada dalka u adeegsaneyso inay ku qabsato Baarlamaanka, iyadoo loo sameeyay ciidamo si toos ah u hoos taga xukuumadda, lagana wareegay ciidamada gaarka ahaa ee ilaalinta
Wuxuu caddeeyay in taliyaha ciidamada Booliska lagu amray inuu la wareego xarunta Baarlamaanka iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu ogyahay, qoraalkaasina uu qoray guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.
Wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu qaadi doono wixii dhibaato ah ee ka dhasha arrintan, iyo dhibaatadii ka dhacda Golaja shacabka.
“Maadaama ciidamo aan ka amar qaadan Guddoomiyaha Golaha shacabka la kor dhigay xarunta Baarlamaanka, xildhibaannada waxay xaq u leeyihiin inay is difaacaan..” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka oo caddeeyay in warqadda ka soo baxday C/weli Muudey ay tahay sharci darro.