Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa shaaciyay weerar cusub oo cirka ah oo ay ku qaadeen kooxda Alshabaab.
Weerarkan ayaa ka dhacay degaanka Gaduud oo 250 Km K/Galbeed ka xigta Muqdisho, iyadoo lagu beegsaday maleeshiyo Alshabaab ah, waxaana war-saxaafadeed ay AFRICOM soo saartay ay ku sheegtay in weerarka lagu dilay ugu yaraan hal dagaalame.
Weerarrada cirka ee Mareykanka ayaa sii kordhay maalmihii ugu danbeeyay xilli dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Alshabaab.
HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA