War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Brazil laga baaray cudurka Coronavirus, markii xoghayahiisa xiriirka laga helay cudurka, iyagoo dhowaan la kulmay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Sida uu sheegayo Warka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Brazi, xoghayaha xiriirka ee Madaxweynaha dalkaasi Fabio Wajngarten oo la kulmay Madaxweyne Trump, kana mid ahaa wafdiga madaxweynaha Brazil ee booqday Mareykanka ayaa laga helay cudurka Coronavirus, iyadoo baaritaan kale lagu hayo.
Dhinaca kale waxaa cudurka laga baaray Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro oo xaaladiisa la eegayo iyadoo aan weli la shaacin natiijada kasoo baxday, waxaana si weyn looga cabsi qabaa in cudurka ku soo baxo.
Wafdiga Madaxweynaha Brazil oo Sabtidii hore Aqalka Cad kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump aya waxaa dhex maray is- gacan qaad iyo kulan fool ka fool ah, iyadoo hore Madaxweyne u diiday in laga baaro cudurka oo uu sheegay inuu caafimaad qabo.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha Canada Justen Tradeu ayaa la sheegay inuu Gurigiisa isku karaantiilay, halkaasina ku shaqeyn doono, kadib markii xaaskiisa laga baaray cudurka oo calaamado laga helay, laakiin weli aan la xaqiijin inay qabto Coronavirus.