Saturday, June 28, 2025

DEGDEG: Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo iska casilay xilkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia

Guddoomiyihii Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa iska casilay xilka.

Qoraal kooban oo xalay xilli danbe uu qoray guddoomiye qoray ayaa laga akhriyey xaruntaa Baarlamaanka oo ay ku sugnaayeen Saaka inku dhow 100 xildhibaan. waxayna arrintan ka danbeysay kulan xilli danbe dhex maray xalay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaako iyo guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka labaad.

Is-casilaadda Guddoomiye Jawaari ayaa lagu wadaa in si rasmi ah uu ugaga dhawaaqo kulan la filayo inuu Arbacada yeesho Baarlamanka, sida uu codsaday, waxaana qoraalka saaka la akhriyey uu ahaa mid lagu qanciyey xildhibaannadii ugu horeeyey ee isugu tegay xarunta Baarlamaanka.

Arrintan ayaa soo afjareysa  khilaaf muddo bil ah ka dhex taagnaa Baarlamanka Soomaaliya.

AKHRISO: Sidee isu casilay Guddoomiye Jawaari..? [Kulankii 3-da saacadood qaatay ee Jawaari & Farmaajo]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON