Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Baaralmaanka.
Doorashada oo maanta ka dhacday xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho waxaa ku tartamay Afar musharax .
Waxaa codad ka badan 139 ku guuleystay Prof. Jawaari. Codka oo weli socda ayay xaqiiqo noqotay inuu guuleystay Prof. Jawaari.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa markii ay caddaatay inuu guuleystay Jawaari waxay bilaabeen guux iyo buuq, taasoo keentay in tirinta codka la hakiyo, waxaana guddoonka uu dejiyay xaalada markii dambe.
Natijadii rasmi ahayd ayaa noqotay sida soo socota:
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari 141
C/rashiid Maxamed Xiddig: 97
Cabdifataax Ibraahim Geeseey: 17
Idiris Cabdi Dhakhtar : 2
Arrintan ayaa ka dhigay in wareegii koowaad lagu kala baxay isla markaana uu fashilmay qorshihii Shariif Xasan ku doonayay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.