Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun maanta ku riday weriye C/casiis Axmed Gurbiye oo ah tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho.
Wariye Cabdiacasis Gurbiye ayey Maxkamadda Gobolka Banaadir ku xukuntay 6 Bilood oo Xarig ah, iyadoo sheegtay in lagu helay Qodobka 368 ee xeerka ciqaabta, kuna saabsan faafinta War been abuur ah.
Weriyaha oo in ku dhow 4 bilood kiiskan loo heystay intii uu damiinka dibadda ku joogayna loo diiday inuu wax qoraallo ah sameeyo ayaa eedeynta loo heysto la bedelay saddex jeer, iyadoo aanay xeer ilaalintu caddeyn cidda soo dacweysay.
Waxaa kaloo Tifaftiraha Goobjoog lagu xukumay 5 Milyan Shillin Soomaali ah, iyadoo xabsiga lau xukumay loo sheegay inuu iibsan karo.
