Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqday in la sii daayay oo xoriyadiisa loo xeliyay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Fadhi ay maxkamaddu yeelatay maanta oo ay ka soo xaadireen eedeysanaha, xeer ilaalinta iyo Qareenada u doodaya, ayaa guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ku dhawaaqay xukunka sii deynta C/raxmaan C/shakuur.
Guddoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir ayaa Aweys Sheekh Maxamed ayaa ku dhawaaqay go’aanka xoriyadiisa u soo celisay C/raxmaan C/shakuur Warsame, maadaama aan lagu soo xirin Amar Maxkamadeed, isla markaana Xeer ilaalinta ku guuldarreysatay inay caddeymo u keento xarigiisa. waxaana la xiray maxkamadda iyadoo aanu wax rafcaan ah jiri doonin oo xeer ilaalinta ka qaadato go’aanka.
HOOS KA DAAWO
https://www.facebook.com/WWW.Dhacdooyinkamaanta/videos/1722333377811987/
DEGDEG: Maxkamad horgeyntii C/raxmaan C/shakuur oo soo dhammaatay iyo Go’aan laga…