Maxkamadda Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa xukun xabsi ah ku riday Boqor Cismaan Buurmaddow oo ka mida salaadiinta waaweyn ee degaanada Gobollada Waqooyi.
Xukunkan ayaa ka danbeeyay markii saaka maxkamadda Hargeysa ay u fariistay kiiskiisa iyadoo uu markii hore damaanad lagu sii daayay, balse ay ku socotay maxkamadda, waxaana lagu xukumay 5 sano oo xarig ah.
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Xabsiga u dhaadhiciyey Boqorka Buurmadow iyadoo la sheegay inuusan iibsan karin xarigaasi, balse uu madaxweynaha maamulkaasi uu cafin karo.
Boqor Buurmadow ayaa lagu eedeeyay inuu hadallo lid ku ah maamulka Somaliland ka jeediyay caleemo saar ka dhacay degaanka Carmo ee Puntland.