Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday labo nin oo ka mida madaxda Daacish ee Koonfurta Soomaaliya oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxda hilaafada islaamka ee Daacish.
Kadib markii ay soo dhammaatay dhageysiga dacwadda oo dhowr jeer loo fariistay Maxkamada ayay maxkmadda ku xukuntay xabsi dhan 15 sano oo xarig ah ragga kala ah: Mahad Maxamuud Cabdi oo ah eedeysanaha kowaad ayaa loo haystay inuu ku hawlanaa aasaasidda kooxda Daacish ah oo ka hawlgali lahayd Koonfurta Soomaaliya iyo eedeysanaha labaad ee Maxamed Da’uud Daahir Warsame oo isna loo heystay inuu ahaa madaxa caafimaadka iyo lacag ururinta ee kooxdaasi.
Waxaa xukunta ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada darajada kowaad ee ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo sheegay in eedeysanayaasha lagu helay dhammaan eedihii loo haystay laguna xukumay min 15 sano oo xabsi ciidan ah.