Maxkamadda sare ee Gal-Mudug oo sharci ku tilmaamtay xil ka qaadistii lagu sameeyay madaxda Maamul Goboleedka Galmudug.
Maxkamadda ayaa soo saartay go’aan ay ku shaacisay inay sharci yihiin dhammaan xil ka qaadistii is daba socotay ee lagu sameeyay madaxda kala ah: Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) – Madaxweyne, Maxamed Xaashi Carrabey – Madaxweyne ku xigeen iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.
Maxkamadda Sare ayaa waxay kaloo sheegtay in guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed uu isna dhammaaday xilkii uu ka hayay Baarlamaanka isagoo oo mudod dheer ka maqnaa deeganadda Gal-Mudug.
Go’aanka maxkamadda waxaa ku saxiixan guddoomiyaha Yaxye Sheekh Cali iyo laba xubnood oo ka mida Maxkamadda Sare ee Galmudug. Maxkamadda oo Madaxweyne Xaaf uu dhowaan dib u soo nooleeyay ayaa go’aanka ay soo saartay uu noqday mid lama filaan ah.
DHAGEYSO
AKHRISO GO’AANKA MAXKAMADDA SARE