War hadda soo dhacay ayaa sheegay in musharixii ugu horeeyay uu ka baxay, kana tanaasulay tartanka doorashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe ) ayaa ku dhawaaqay inuu isaga haray tartanka, isla markaana uu ka tanaasulay loolanka, wuxuuna sheegay inuu arrinta fududeynayo isla markaana xildhibaanada ugu baaqay inay doortaan qofkii xal u ah umadda.
10 xildhibaan ayaa ku tartamaya wareegga koowaad ee doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo 7 ka mida aanay rajo badan lahayn.