Monday, July 14, 2025

Musharixii Xisbiyada Mucaaradka oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland

Waxaa goor dhoweyd magaalada Hargeysa ka dhacday Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo si adag loogu tartamay.

Kulankii ugu horeeyay ee Golaha Wakiilada Somaliland oo ka kooban 82 Mudane ayaa saaka furmay, iyadoo ay hareysay xamaasad iyo buuq ka dhashay tartanka adag ee u dhaxeeyay Musharaxa Xisbiga Kulmiye ee talada haya iyo Musharaxa Xisbiyada Mucaaradka.

Waxaa codeyntii ku guuleystay C/risaaq Khaliif Axmed oo ay soo sharxeen Isbaheysiga Mucaaradka, kana tirsan Xisbiga Waddani oo helay 42 cod, halka Musharixii Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda ee Yaasiin Maxamuud Xiir (Fataroon) uu helay 39 cod.

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland waxaa ku guuleystay Siciid Mire Giirre, halka guddoomiye ku xigeenka labaad loo doortay Cali Xaamud Jibriil oo kasoo jeeda UCID.

Xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ayaa dadaal xoog leh geliyey sidii ay u hanan lahaayeen Guddoonka Golaha Wakiilada, waxayna qaadeen tallaabooyin ay kula soo wareegeen xildhibaanno mucaarad ah, balse olole iyo dagaal siyaasadeed oo aan waxba la isula harin kadib waxay guushii raacday Isbaheysiga Xisbiyada Waddani iyo UCID.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON