Wareega labaad ee Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda soo gabgabowday iyadoo uu si weyn ugu horeeyo Musharax Cllaahi Farmaajo.
Tirinta gaarka ah ee aanu tirinay ayaa natiijadeeda noqotay sida soo socota:
1- Maxamed C/llaahi Farmaajo 184
2- Xasan Sheekh Maxamuud 97
3- Shariif Sheekh Axmed 46
Waxaa cad in wareeg saddexaad ay wada geli doonaan, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo wareega 3aad lagu kala baxayo cod hal dheeri ah, iyadoo ay u badan tahay inuu ku guuleysan doono Maxamed C/llaahi Farmaajo haddii aanay wax kale dhicin.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in wareega saddexaad hore laga galayo.
LA SOCO NATIIJADA RASMIG AH…