Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Nin Bistoolad ku hubeysnaa oo lagu dilay Muqdisho & Meydkiisa oo yaalla…

War hadda soo dhacay ayaa sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo bistoolad ku hubeysnaa.

Toogashada ayaa goor dhoweyd ka dhacday agagaarka Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxaana goobjoogayaasha ay sheegeen in wiilka la dilay uu ka mid ahaa laba dabley ah oo doonayey inay fal khaarijin ah fuliyaan, waxaana rasaas kala hormaray askariga, iyadoo midkood uu goobta ku dhintay, midkii kalena uu baxsaday.

Wiilka bistoolada ku hubeysnaa ee toogashada lagu dilay ayaa meydkiisa uu yaallaa goobta lagu dilay, waxaana halkaasi gaaray ciidamada amniga, iyadoo dadweyne fara badan ay halkaasi ku xoomeen.

Inta badan dableyda fulisa dilalka qorsheysan ee Muqdisho ayaa baxsada kadib markii ay fuliyaan qorsheyaashooda, waxaana marar naadir ah dhacda in la dilo ama la qabto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON