Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dilal is weydaar ah ay ka dhaceen suuqa ugu weyn magaalada ee Bakaaraha.
Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay goor dhoweyd toogasho ku dileen nin dabley ah oo qof rayid ah ku dilay suuqa. Ninkan ayay ciidamadu ku toogteen agagaarka suuqa Daawada, isagoo watay Bistoolad.
Ninkan la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid yahay kooxaha khaarijinta u qaabilsan Alshabaab oo muddooyinkan dambe dilalka ka waday magaalada Muqdisho.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in la khaarijiyay nin dabley ah oo qof shacab ah ku dilay suuqa Bakaaraha. Faahfaahinta dilka ayaa hadda soo baxeysa.
GOOBJOOGE