Tuesday, July 8, 2025

Hay’adda NISA oo Caawa joojisay Madal Siyaasadeed uu qaban lahaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur

Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ayaa Caawa joojisay Muxaadaro siyaasadeedoo uu qaban lahaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, taasoo ay soo qabanqaabisay ay Madasha Wadatashi .

Madashan oo ka dhici lahayd Hotelka Saxaf ee magaalada Muqdisho kadib maqribka Caawa ayaa waxaa la sheegay in NISA ay maamulka Hotelka amar ku siisay inaan la qaban karin madashaasi oo ahayd mid uu muxaadaro ka jeedin lahaa C/raxmaan c/shakuur, loogana hadli lahaa xaaladda ay  wajaheyso siyaasadda Soomaaliya.

Arrintan waxaa goor dhoweyd shaaciyey C/raxmaan C/shakuur oo farriin uu soo diray ku sheegay sida soo socota:

“Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida ayaa caawa baajiyey Muxaadaro aan uga hadli lahaa loolanka Siyaasadeed ee Gobolka ka jira iyo saamaynta uu Soomaaliya ku yeelan karo. Maamulka Hotel Saxafi oo ah halka ay Muxaadaradu ka dhici lahayd ayaa nagu wargeliyey in NISA ay ku amartay in la baajiyo kulankaas. Maamulka Hoteelka oo hay’adda ka codsaday sababta baajinta ayaan loo sheegin wax sabab ah, laakiin lagu amray in ay joojiyaan kulankaas. Falkani wuxuu si cad u jebinayaa Dastuurka iyo shuruucda dalka. Waxaa kaloo ayaan daro ah in iyadoo amarka Al- shabaab uu Muqdisho ka hir gelayo ay NISA ku mashquulsan tahay caburinta ra’yiga iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka.”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON