Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in caawa kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen oday nabadoon ah.
Odayga la dilay ayaa lagu magacaabaa Afweyne Tiiteeye, waxaana la sheegay in koox dabley ah ay ku dileen Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.
Nabadoonka ayaa ahaa nin caana oo laga yiqiin degaanka, waxaanna dilkiisa geystay laba nin oo bistoolado ku hubeysan.
Dableyda dilka geysatay ayaa markiiba goobta ka baxsatay, falkaasi kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray ciidamada ammaanka oo baaritaan ka sameeyay.
Goobjooge.com