Qarax Culus oo inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir iyo rasaas la is weydaarsanayo ayaa Goordhow ka dhacay Muqdisho.
Dhawaqa rasaas ayaa laga maqlayaa nawaaxiga Masaajidka Isbaheysiga Magaalada Muqdisho iyo agagaarka Xerada Dhagaxtuur ay degan yihiin ciidamada dowladda.
Lama oga in la weeraray Xerada Dhagaxtuur, laakiin dhawaqa rasaasta waa meesha ay ka dhaceyso nawaaxigeeda.
Xerada Dhagaxtuur ayaa waxa ay ku taalla ka soo horjeedka Xarunta Golaha Shacabka, waxaana ay saaran tahay laamiga dheer ee horumara Irida Madaxtooyadda.