War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Qarax Gaari uu goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa Gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa haleelay gaari yar oo ay wateen dad shacab ah, waxayna wararkii ugu horeeyay sheegayaan inay ku dhaawacmeen Aabe iyo wiil uu dhalay oo gaariga saarnaa.
Gaariga ayaa ku qarxay xilli uu socday Isgoyska Siinaay, degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, waxaana goobtaasi gaaray ciidamada amniga.
LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA…