Tuesday, July 15, 2025

DEGDEG: Qarax Gaari oo ka dhacay Magaalada Muqdisho & Ninkii waday oo la qabtay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay magaalada, gaar ahaan degmada Xamarweyne.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Gaari ku qarxay dhabarka dambe ee Guriga Hooyooyinka ee Degmada Xamar-weyne, wuxuuna ahaa gaari la dhigay goobtaasi.

Gaariga qaraxa sida ayaa la sheegay inay ka shakiyeen ciidamada Ammaanka, waxaan wararku sheegayaan inay ninkii la socday gaariga, waxaana gariga uu qarxay, xilli baaritaan ku socday.

Dadkii goobta ka dhowaa ayaa laga fogeeyay, intii aanu Gaariga laga shakiya qarxin,  waxayna yareysay qasaarihii uu dhalin lahaa qaraxa.

Qasaaraha ayaa lagu sheegay dhowr qof oo dhaawacyo fudud soo gaareen. Wuxuuna qaraxan imaanayaa, iyadoo magaalada maanta qeybo ka mida u xirneyd dabaaldegga 15-ka May.

Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Yariisow ayaa baraha bulshada u sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay gacanta ku dhigeen dadkii watay Gaariga Qarxay, oo hay’adaha miino baarka inteysan soo gaarin buu Qarxay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON