Gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa goor dhoweyd ku qarxay magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan wararkii ugu danbeeyay ee caasimadda dalka.
Qaraxan ayaa ka dhacay Wadadda Maka Almukarama ee mashquulka badan, gaar ahaan Banaadir Plaza ee u dhow Jidka Shaqaalaha, wuxuuna qabsadan Gaari nooca NISSAN SURF ah la sheegay in lagu xiray miino, ku kaasoo qarxay, kadibna uu dab qabsaday.
Wararka ayaa sheegaya in Gaariga qarxay uu lahaa Taliyaha qeybta baarista ee Xarunta Dambi-Baarista ee CID-da oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Cali Bile, balse uusan waxba ku noqon.