Friday, July 4, 2025

DEGDEG: Qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax  ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho gaar agaan agagaarka Saldhiga Booliska Degmada Waaberi oo ku yaalla Wadada Maka Almukarama.

Qaraxan ayaa ahaa mid lagu soo xiray gaari halkaa ku sugnaa isagoo sababtay dhaawac soo gaaray qofkii gaariga watay  iyo dad kale oo goobta ku sugnaa.

Weli ma cadda qofka lala beegsaday qaraxa iyo halka ay ku danbeysay xaaladiisa, waxaana halkaasi xiray ciidamada Amniga dowladda Federaalka oo baaritaan ka bilaabay goobta qaraxa ka dhacay.

Qaraxyada baabuurta loogu xiro shaqsiyaad la bartilmaameedsanayo ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho iyadoo dhowaan qarax noocaas ah lagu dilay Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd shaqaalaha idaacadda dowladda iyo SNTV.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON