Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd Qarax ka dhacay magaalada.
Qaraxa ayaa wararkii ugu horeeyay sheegayaan in loo adeegsadya gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ku qarxay meel u dhow Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga iyo Wasaaradda Anniga Gudaha.
Qasaare kala duwan ayaa la soo sheegay inuu geystay qaraxa, waxaana goobta tegay ciidamada ammaanka oo xiray isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Qaraxa ayaa lagu soo warramay inuu ahaa miino lagu xiray gaari uu watay mid ka mida saraakiisha ciidamada NISA, kaasoo dhaawac kasoo gaaray.