War hadda soo dhacay ahaa sheegaya in qarax is-miidaamin ah u ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose oo ku dhow caasimadda Soomaaliya.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday xerada milateriga ciidmada Soomaaliya ee degmada Afgooye iyadoo lasoo weriyey inuu jiro qasaare ka dhashay qaraxa oo loo adeegsaday Baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.
Wararkii ugu horeeyay ee ka soo baxa qaraxa ayaa sheegaya in xaalada ay kacsan tahay iyadoo la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada dowladda.
Gaariga is-miidaamiyey ayaa la sheegay inuu doonayey inuu beegsado gaari ciidamada dowladda leeyihiin oo xowli ku socday, balse uu seegay waxaana la soo weriyey inuu ku dhintay qof shacab ah, ayna ku dhaawacmeen laba askari.