Monday, August 4, 2025

DEGDEG: Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho & qasaare ka dhashay

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu magaalada Muqdisho ka dhacay qarax ka dhashay miino lagu xiray gaari uu watay qof shacab ah.

Qaraxa ayaa ka dhacay Isgoyska KM 4, agagaarka Isbitaalka Xanaano, halkaasoo uu ku dhintay ninkii gaariga watay oo lagu magacaabi jiray Muxyadiin Maxamed Xaaji.

Ninkan ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan iyadoo la sheegay inuu ka tirsanaa shaqaalaha dowladda, nin kale oo gaariga la saarnaa ayaa ka badbaaday qaraxan.

Qaraxyada noocan oo kale ah ayaa lala beegsaday saraakiisha iyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya iyadoo inta badan uu sheegto ururka Alshabaab.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON