Monday, June 23, 2025

DEGDEG: Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax ka dhcay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagarka Shineemo Soomaaliya oo dhinaca ku heysa Wadadda Maka almukarama, waxaana dhaliyay gaari la sheegay in laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay gaarigan daba joogeen, iyadoo markii halkaasi lagu joojiyay uu qarxay.

Ad

Qasaaraha qaraxa ayaan weli la shaacin, waxaana goobta xiray ciidamada dowladda oo baaritaan ku sameynaya gaariga qarxay.

Qaraxa ayaa la sheegay in loogu talogalay in lagu khaarijiyo mid ka mida madaxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON