War hadda soo dhacay ayaa sheegaya inuu qarax iyo rasaas ka dambeysay ay ka dhaceen goor dhow magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ahaa gaari laga soo xiray waxyaabaha qaraxa, waxaana la sheegay inuu qofkii watat kula qarxay degmada Waaberi, agagaarka xarunta UNICEF ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday nin ganacsade ah oo aan magaciisa lagu sheegay C/raxmaan. Wararkii ugu dambeeyya ayaa sheegaya in ninkaasi uu ku dhintay qaraxa. Waxaa kaloo qaraxa ku dhaawacmay dhowr qof oo goobta ku sugnaa.
Qarax kadib ayaa waxaa rasaas furay Ciidamada, waxaana socda baaritaan ku saabsan qaraxa.
Goobjooge.com