Jugta Qarax weyn ayaa goor dhoweyd laga maqlay magaalada Muqdisho, iyadoo ay warar kala duwan kasoo baxayaan.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya inuu qarax Miino ka dhacay inta u dhaxeysa Suuq-yaraha Xamar Jajab iyo isgoyska Ceel-gaabta oo ah jidka ay isticmaalaan madaxda dowladda ee ku soocta Madaxtooyada. Miinada ayaa iskeed u qaraxay Gaari ay waxyeelo kooban garsiisay, waxaana la sheegay inaysan wax qasaare a geysan.
Qaraxa ayaa ka dhacay Wadadda Ceelgaabta ee tagta Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo lala beegsaday Gaari goobta marayey. Ciidamada amniga ayaa degdeg u xiray goobta qaraxa Miino ka dhacay.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA
