Qarax lagu soo xiray gaari ayaa ka dhacay goor dhoweyd magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Maanabooliyo ee degmada Shibis.
Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari nooca raaxada ah oo uu watay sarkaal la shaqeeya safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho, kana ah ilaalada safaaradda, sarkaalka ayaa la sheegay inuu qaraxa ku dhintay.
Qaraxa ayaa ahaa miinada Gaariga lagu xiray, mana jirin qasaare kale oo qaraxaasi uu geystay, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed.
Goobjooge.com