Jugta Qarax xoog leh ayaa goor dhoweyd laga maqlay caasimadda Muqdisho, kaasoo ahaa nooca lagu xiro baabuurta, waxaana soo baxaya wararkii ugu horeeyay ee qaraxa.
Qaraxa ayaa la sheegay ahaa Gaari lagu xiraty waxyaabaha qaraxa oo ku qarxay agagaarka dekadda magaalada Muqdisho, degmada Xamarjajab; waxaana jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo wararkii ugu horeeyay sheegayaan in qaraxa lala beegsaday Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.
Gaariga qaraxu qabsaday oo ahaa nooca SURF ayaa la sheegay inuu burbur, iyadoo sarkaalkii la beegsaday oo ka tirsan ciidamada Booliska uu dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa.
Gaariga oo xilliga uu qarxay taagnaa kaalin shidaal ayaa sidoo kale dhaliyey dab qabsaday xarunta shidaalka, waxaana socda dadaal lagu daminayo dabkaasi,
HOOS KA AKRHISO FAAHFAAHINTA