Waraka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu qarax ka dhacay Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha.
Qaraxa oo warar kala duwan kasoo baxaya ayaa la sheegay in qaraxu ka dhacay Isgoyska Bakaaraha, iyadoo goobta qaraxu ka dhacay lagu arkay dad dhaawac ah, waxaana qaraxa lagu weeraray askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda.
Wararka qaar ayaa sheegay in qaraxu ahaa Miino agagaarka isgoyska Bakaaraha, waxaana dadka goobjoogayaasha ah ay sheegayaan in ilaa 4 qof ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro canug yar, halka warar kale sheegayaan inuu qof ku dhintay.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in qarax uu ahaa miino dhulka lagu aasay oo loogu talo galay in lagu khaarijiyo taliyaha saldhiga Howlwadaag Mudane Sonkor oo la sheegay inuu gaari halkaasi ku maray waxyar qaraxa ka hor.
Ciidamada halkaasi ku sugnaa ayaa rasaas furay, iyadoo lagu kala cararray, wuxuuna isgoyska Bakaaraha noqday goob qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka dhacaan oo intooda badan ay sheegato kooxda Daacish.